Gobolada ay maamulaan xarakada Dagaalyahanada Alshabaab ayaa waxaa soo wajahdey telfon la’aan xagga shirkada Hormuud,iyadoo dhawaan amar kasoo baxey xarakada dagaalyahanada Alshabaab uu sheegayey in la joojiyo internet mobile.
Shirkadda Somtel ayaa iyadu go’aansatey in ay joojiso khadka internetka mobileka,iyadoo odayaasha beelaha Hawiye ay sheegeen in ay talaabo qaadayaan iskana celinayaan dadka gobolkan la dega oo isku dayeya in ay ganacsigeena xayiraan,iyagoo hugaamiyaha Alshabaab ku eedeeyey cunsiriyad ujeedooyin gaar ah uu ka leeyahey shirkadda Hurmuud.
Shirkadaha isgaarsiinta ayaa waxaa ka dhexeeya dagaal hoose oo qarsoon,iyadoo qaarkood xarumahooda la qarxiyey maalin cad,waxaana shirkada hormuud ay u sheegtey in ay alshabaab ka soo xiraan puntland iyo somaliland,hadii kale aaney xireyn internet mobile.




