Qarax sababey gubashada suuqa dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacey Beledxaawo.

0
570

Qarax ka dhacey B/xaawo ayaa sababey dhimasho iyo dhaawac halka suuqa ay kasoo gaartey gubasho aad u daran,waxaana lagu soo waramayaa in dhimashadu gaareyso 3 qof iyo dhaawac 7 qof ah.

Qaraxa ayaa markii uu dhacey dhacey dabkii ka dhashey uu geystey gubashada suuqa oo ay ku baaba’adey hanti farabadan oo suuqa tiiley iyadoona aysan aheyn markii ugu horeysey ee suuqani gubto.

Ciidamada dawlada iyo kuwa ahlusuna ayaa soo gaarey goobta waxaana la qab qabtey dad lagu tuhmayo in ay qaraxyada ku lug leeyihiin,mana ahan markii ugu horeysey ee qaraxyo ay ka dhacaan B/xaawo waxeyna kuwani kusoo beegmayaan iyadoo ay ciidamada Ethiopia soo galeen meelo badan oo gudaha dalka soomaaliya kamid ah dadkuna ay aad uga soo horjeedaan soo gelitaanka ciidamada Ethiopia.