Wararka ka imanaya gobolada jubaland ayaa sheegaya in isgaarsiintii laga jarey iyadoo lagu soo waramayo in caawa dagaal ka dhacey Kismaayo iyo goobweyn iyadoo dadka deegaanku kusoo waramayaan in markii hore ay weerar ku qaadeen ciidamada maamulka Axmed madoobe ay weerareen tuulada goobweyn kadibna dagaal rogaal celin ah uu ka dhacey xaafada siinaay ee magaalada kismaayo.
Dagaalka ayaan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu dagaalku geystey,maadaama uu dagaalku dhacey goor habeen ah,waxaase wax laga ogaandoonaa berito hadii alle idmo.
Maahan markii ugu horeysey ee dagaal ka dhaco kismaayo,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo dawlada kenya ay sheegtey in ay ka baxeyso magaalada kismaayo.




