Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo cambaareeyey kana soo horjeestey ku biirista Amisom iyo soo gelista ciidamada Ethiopia ay dalka soomaaliya soo galaan

0
492

Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa shir ay yeesheen waxey kaga soo hor jeesteen kamid noqoshada ethiopia ay kamid noqotey ciidamada Amisom iyo soo gelitaanka ay ciidamada Ethiopia soo galeen ciida soomaaliya.

Kusimaha gudoomiyaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga midnimada jamhuuriga Cali Maxamed Nuux timajilic ayaa si kulul u weerarey Qaramada midoobey iyo dawladaha Afrika isagoo sheegey in ay hada qiil u sameeyeen Alshabaab,ayna dhici doonto in ay dad badani taageeraan Alshabaab,dad badan oo aan ogoleyn in ethiopia ciidamadeedu dalka soomaaliya joogaan ayaa jira,Aniga kula hadlaya ayaa kamid ah ayuu yiri timajilic.

Ciidamada Ethiopia ayaa hada heley ogolaansho ay kaga mid noqonayaan Ciidamada Amisom,dadka soomaaliyeedna waxey xasaasiyad iyo colaad fog u qabaan ciidamada Ethiopia oo xasuuq ka geystey dalka soomaaliya 2007 iyo 2008dii.

Diidista iyo cambaareynta uu xisbiga mid, Jamhuuriga soomaaliyeed uu usoo jeediyey ciidamada ethiopia ayaa kusoo beegmeysa xili m/weynaha dawlada federalka Xasan Sheekh uu sheegey in uu raali ka yahey soo gelitaanka ciidamada ethiopia ay soo galeen ciidamada Amisom iyo ciidda dalka soomaaliya.