Waxaa maanta gaarey magaalo madaxda puntland m/weynaha maamulka kmg Axmed Maxamed islam Axmed Madoobe iyadoo ay hore usii joogeen m/weynayaasha Xubin iyo Xeeb timo kala jeex iyo m/weynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale C/qebdiid.
M/weyneyaasha m/goboleedyada ayaa u muuqda kuwo sameysanaya isbaheysiyo la xiriira maamulka Goboladooda,waxeyna sheegayaan warar naga soo gaaraya gobolada dhexe in uu jiro isku dey lagu sameynayo maamul goboleed ay leeyihiin beelaha wada dega Gobolada dhexe.
Maamulka la doonayo in ay ku bahoobaan beelaha wada dega gobolada dhexe ayaa waxaa gadaal ka riixaya dawlada ethiopia oo hada la sheegey in ay kamid noqotey ciidamada Amisom ee soomaaliya ku sugan,waxeyna waligeed faraha kula jirtey arrimaha soomaaliya,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo puntland uu m/weyne ka noqdey r/wazaarihii hore ee dawlada dhexe Somaaliya.




