Golaha xukuumada cusub oo barlamaanka lagu hor dhaariyey.

0
446

Xubnaha golaha xukuumada dawlada federalka soomaaliya ayaa lagu hor dhaariyey barlamaanka soomaaliya iyadoo uu goob joog ahaa m/weynaha dawlada federalka soomaaliya.

Golaha xukuumada ayaa waxaa dhaariyey sida qaanuunku tilmaamayo gudoomiyaha maxkamada sarre Ceydiid ilka Xanaf,waxeyna golaha wasiirada oo tiradoodu kor u dhaaftey 50 ayaan la ogeyn waxa ay soo kordhinayaan,iyadoo qaarkood muujiyeen niyad wanaag la xiriirta in ay shaqo wanaagsan qaban doonaan.

Maahan markii u horeysey ee ay barlamaankani ansixiyaan ama hortooda lagu dhaariyo,waxeyse tani imaneysaa iyadoo tirada xubnaha golaha wasiiradu ka badantahey tiradii hore u shaqeyn jirtey shan laab in ka badan,waxaana loo fadhiyaa sida xubnahan badani u shaqeeyaan.