War kasoo baxey xafiiska m/weynaha soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey ansixinta ay barlamaanku ansixiyeen xukuumada.

0
489

War kasoo baxey xafiiska m/weynaha dawlada federalka prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey ansixinta barlamaanku ansixiyey xukuumada iyo barnaamijkeeda.

Warka kasoo baxey xafiiska m/weynaha ayaa u muuqanaya mid loogu laab qaboojinayo w/koowaad taas oo loogu sheegayo in barlamaanku qabtey hawl loo direy,ayna kasoo dhalaaleen.

Maahan markii ugu horeysey ee barlamaanku qabtey hawl loo direy,waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo wel wel uu hayey labada dhinac maadaama ay jireen xildhibaano badan oo muujiyey in ay kasoo hor jeedaan xukuumada 55ka xubnoo ka kooban.