Barlamaanka dawlada federalka soomaaliya ayaa maanta waxa uu u fariistey ansixinta xukuumadii ka koobneyd 55ka xubnood,waxeyna dood iyo falaqeyn kadib r/wasaaraha C/weli Sheekh Axmed ayaa loo ogolaadey in uu barlamaanka ka hor sheego barnaamijka xukuumada uu hugaamiyo ay ku shaqeyn doonto.
R/wasaaraha ayaa barlamaanka ka hor aqriyey barnaamijka ay wadato xukuumada uu soo magacaabey C/weli Shekh Axmed,isagoo sheegey in uu xooga xukuumadiisu saari doonto amniga iyo in dalka lagu soo dabaalo nabadgelyo si taas loo helona waxaan isugu yeeri doonaa adkeyna doonaa ciidamada xogga dalka soomaaliyeed.
Markii uu dhameystey hadalkiisa ayaa gudoomiyaha barlamaanka prof. Jawaari ayaa xubnaha barlamaanka u sheegey in ay cod u qaadayaan ansixinta xubnaha golaha wasiirada iyada oo ay barlamaanka xaadir ku ahaayeen xildhibaano gaaraya 233 xildhibaan,markii codadki la tiriyey ayaa waxey u dhacdey sidan:
186 xildhibaan waxey tiri Haa oo waan ogolnahey in xukuumada ay ansax noqoto.
46 xildhibaan waxey tiri Maya ma ogolin in xukuumadani la ansixiyo.
Halka hal xildhibaan oo keliya ayaa ka aamusey.
Kadibna gudoomiyaha barlamaanka prof. Jawaari ayaa si rasmi ah wuxuu ugu dhawaaqey in xukuumada iyo barnaamijkeeduba uu ansax yahey,ayna tahey xukuumad dalka ka tarjumi karto,waxaana meel ay ka baxeen la garan waayey 145 xubnood oo sheegayey in aysan ogolaandoonin in xukuumadaasi meel marto.




