Munaasabad lagu soo bandhigayey wax qabadkii sanadkii tagey ee ciidanka ilaalada wadooyinka ayaa lagu qabtey xarunta ciidamada tarafiko ay ku leeyihiin muqdisho.
Ciidanka ilaalada wadooyinka ayaa ku talaabsadey horumar la taaban karo ,waxeyna soo kordhiyeen qalab iyo gaadiid casri ah iyadoo aysan jirin miisaaniyad gaar ah oo loo qoondeeyey,waxeyna soo bandhigeen gaado ka ciyaar iyo aqoonta hagista gaadiidka.
Iyadoo ay munaasabada kasoo qeyb galeen madax ka socotey wasaarada gaadiidka badda iyo dekedaha,maamulka Banaadir,saraakiil ka kala socotey nuucyada ciidamada dalka iyo marti sharaf lagu casumey munaasabada ayaa waxey dhamaantood qireen wax qabadka ciidanka ilaalada wadooyinka tarafiko.
Ugu danbeyntii ayaa waxaa munaasabada ka hadley kana warbixiyey wax qabadka ciidanka tarafiko Taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka Gen. Cali Xirsi Barre oo sheegey in sanadkan ay ciidankani isku tashadeen iyagoon cidna kaalmo ka helin,wuxuuna genanku sheegey in heleen hal wiish oo gaadiidka qaada,mootooyin aan tiro badneyn,trafic light samaafaraha wadooyinka iyo isgaarsiin aan tayo badneyn,kuwaas oo dhamaantood qeyb ka qaatey yareynta shilalka iyo gaadiidka oo la kala dhici jirey.
Gen. Cali Xirsi Barre ayaa sheegey in hada ay u qorsheysanyihiin talaabooyin lagu sii horumarinayo ciidanka ilaalada wadooyinka iyo hawsha ay qaranka u hayaan isagoo bulshada ka codsadey in ay la shaqeeyaan ciidanka ilaalada waddooyinka tarafiko una hugaansamaan xeerarka iyo shuruucda u yaal habka loo maro waddooyinka dalkeena soomaaliya isagoo hambalyo iyo bogaadin u direy dhamaan ciidamada ilaalada waddooyinka meel kasta oo ay dalka kaga suganyihiin.




