Wararka Soomaaliya
Qaar ka mid ah wariyayaasha Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom oo ku sugan Degmada X/weyne ayaa soo sheegaya in saakay ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya in dhac iyo boob ay u gesyteen mid ka mid ah Shirkadaha Xawaaladaha ee Degmada X/weyne ku yaal
Wariyaheena oo halkaasi ku sugan ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan TFG-da oo ku hubeysnaa hubka fudud gudaha inay u galeen shirkadda xawaalda Amal dabadeedna jir dil ay u geysteen Maamulka iyo howl wadeenada Xawaalada Amal ee Degmada X/weyne
Waxaana Maleeshiyaadkaasi ay dhaceen lacag ku dhow $1000 waxaana xilligaasi indhaha ay ka xereen dadkii halkaasi lacagta ka soo doontay iyo howlwadeenadii xawaalada Amal
Maleeshiyaadkaasi ka tirsan TFG-da ayaa ka baxsaday goobtii dhaca ay ka geysteen iyagoona isla xilligaasi dhac u geystay Xarumo ganacsi oo ku yaal gudaha Suuqa X/weyne
C/laahi Ibraahim Sahal Gardhuub oo ah gudoomiyaha Degmada X/weyne ayaa sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowladda ay ka wadeen guduha Degmadaasi ay ka wadeen falal ammi darro wuxuuna sheegay in ay qal qal galiayan amniga suuqa Degmada X/weyne Maleeshiyaad ka tirsan TFG-da ayna dhacaan Taleefoonada Gacanta ay wataan Dadka rayidka ah
Maleeshiyaadkaan ka tirsan TFG-da ayaa dhibaatooyin aad u badan ku haaya dadka rayidka ah ee deegaankaasi ku nool waxayna u geystaan dhac jir dil iyo mararka qaar dil bareer ah ay dadka u geystaan
warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com
Soomaaliyeed ee Warsom
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(
info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





