Siyaasiyiin iyo Saraakiil Lagu eedeeyey Carqaladeynta Amniga oo Puntland Sheegtay in Maxkamad La Hor keeni Doono.

0
7

Puntland ayaa sheegtay in hay’adaha garsoorka loo gudbin doono magacyada siyaasiyiin, saraakiil iyo shakhsiyaad lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin falal lagu qalqalgelinayo amniga  Puntland, si sharciga loo horgeeyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Puntland ayaa  lagu sheegay in siyaasiyiintan ay u shaqeeyaan Dowladda Federaalka, islamarkaasna ay qeyb ka ahaayeen duullaan ay fashilisay  Puntland oo uu abaabulayay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo  la sheegay in lagu doonayay in lagu khalkhalgeliyo amniga iyo dowladnimada Puntland.

Puntland waxay fartay hay’adaha amniga in aan cidna loo ogolaan karin  ciidan ama gaadiid aan ka tirsanayn ciidamada rasmiga ah ee Puntland. Waxa kale oo ciidamada lagu amray inay xoojiyaan la dagaallanka burcad-badeedda, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo fal kasta oo ka dhaca biyaha Puntland, iyadoo lagu adkeeyay in tallaabo sharci laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta biyahaas.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaadi doono milkiilayaasha iyo adeegsadayaasha baraha bulshada ee lagu eedeeyo baahinta warar aan xaqiiqda ku dhisnayn ama sumcad-dil u geysta nidaamka dowladnimada Puntland.

Warkaan ayaa ku soo beegmay, maalin kaddib markii ay Puntland qaadday howlgallo ciidan oo lagu la wareegay hubkii iyo xeryihii ciidanka PSF, oo ahaa ciidanka ugu awoodda badnaa dhinaca mucaaradka madaxweyne Deni.