Dalad ay ku mideysanyihiin in kabadan 20 xarun isgaarsiineed oo u kala baxa Idaacado,TVyo,Jornal iyo website ayaa lagaga dhawaaqey magaalada muqdisho gaarahaan hotel jazeera.
Daladda ayaa si kumeel gaar ah waxaa gudoomiye looga dhigey agaasimaha radio dalsan ustad Xasan Cali Geesey,halka gud.kuxigen laga dhigey agaasimaha radio star Ismaaciil Sheekh khaliif,waxaana goobta ka hadley tafatirihii hore ee idaacada B.B.C Yusuf Garad Cumar oo sheegey in uu ku faraxsanyahey balse uu ka digayo in daladu sidii kuwo badan oo hore usoo baaba’ay aysan noqon.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadley madaxda dalka xildhibaano,afhayeenada m/tooyada,xafiska r/wasaaraha iyo maamulka gobolka banaadir,waxeyna dhamaantood soo dhaweeyeen dalada ay ku bahoobeen in ka badan 20 xarun warbaahineed oo muqdisho ka hawl gala.
Ugu danbeyntiina waxaa munaasabada ka hadley gudomiyaha la doortey 3bilood ee soo socota Xasan Cali Geesey,isagoo sheegey in uu leeyahey khibrad iyo karti uu ku hugaamiyo bahda saxaafada isla markaasna ay kamid noqon karaan idaacadaha dalka ka howlgala oo dhan.




