M/weyne Xasan Shekh iyo wafti uu hugaaminayo oo muqdisho ka ambabaxey isagoo kusii jeeda dalka kenya.

0
481

M/weynaha jamhuuriyada soomaaliya iyo wafti uu hugaaminayo ayaa dalka ka dhoofey isagoo kusii jeeda dalka kenya magaalada nairobi isagoo ka qeyb geli doona kulan lagaga arinsanayo dhibaatada ka taagan dawlada south sudan.

Madaxda Igad qaarkood ayaa hada ku sugan south sudan iyagoo doonaya in ay biyo ku shubaan colaada ka holceysa south sudan,m/weyne Xasan Shekh Maxamu’d ayaa loogu yeerey la tashi ahaan in ay wax iska yiraahdaan madaxda Igad.

Sidoo kale m/weynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo dublamaasiyiinta jooga xarunta dalka kenya ee nairobi si uu ugala tashado xukuumada dhawaan la filayo inuu soo dhiso C/weli Shekh Axmed,iyadoo la sheegayo in khilaaf aan weli soo shaacbixin uu ka dhexjiro m/weynaha iyo r/wasaaraha cusub.