Maamulka deg.Buur xakabo ee gobolka baay ayaa sheegey in ay iyagoo kaashanaya ciidamada Amisom ka qaadeen inta u dhaxeysa buur xakabo iyo daafeed sadex isbaaro oo u kala yaaley ciidamo dawlada hal isbaaro halka labada kale ay u yiileen ciidamo beeloodyo.
Ciidamada Amisom ayaa qaadey isbaaro u tiiley ciidamada xogga soomaaliya,waxeyna balanqaadeen maamulka degmada buuxakabo in aaney mar danbe ogolaandoonin isbaaro la soo dhigo deegaanada hoos yimaada degmada buurxakabo.
Waa markii ugu horeysey ee ay ciidamada Amisom,isbaaro ka qaadeen gudaha dalka soomaaliya,iyadoo boliska afrika ka socda ay joogaan gudaha dalka soomaaliya waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo r/wasaarha cusub uu xilka xafiiska r/wasaraha soomaaliya.




