Mid kamid ah musharaxiinta m/weynenimo ayaa lagu weerarey caasimada puntland ee Garoowe,isagoo shir kasoo baxey ayaa gaadiidki uu watey mar qura tacshiirad la huwiyey.
Musharaxan oo lagu magacaabo Cabdi/daahir ayaa sheegey in m/tooyada rasaasta looga soo ridey lana doonayey in lagu qaarajiyo hase yeeshe alle ka badbaadshey,isagoo musharaxu intaa ku darey in loo dabajoogey dacwado hore uu u gudbiyey oo maamulka faroole ka caroodey.
Musharaxa iyo gaadiidki uu watey ma soo gaarin wax dhimasho ah hase yeeshee waxaa dhaawac fudud soo gaarey darawalki musharaxa oo ay muraayado jirkiisa galeen,waxeyna dhanka kale ku doodeen ilaalada m/tooyada maamulka faroole in gawaarida musharaxu ay si xawli ah u socdeen kana shakiyeen sidaasna rasaasta u fureen,iyadoo ay tahey markii ugu horeysey ee gacan ka hadal uu bilaabo m/weynaha xiligaan C/raxmaan Sh Maxamuud Faroole.




