Mudanayaasha Baarlamaanka Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Ra’iisul Wazaaraha Cusub Ee Soomaaliya.

0
450

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho Ayaa Waxa Maanta Lagu Dhaariyey Ra’iisal Wasaaraha cusub Ee Soomaaliya Kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen Iyadoona Kooromka Baarlamaanka ay soo xaadirtay 243 Xildhibaano Waxaana Codka kalsoonida Ra’iisal Wasaaraha Cusub siisay 239 Xildhibaan,Halka 2 Xildhibaan ay diiday, Laba kalana ay isaga aamustay.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu yahay mid ansax ah Ra’iisal Wasaaraha cusub Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mar uu ka hadlayay waxqabadka uu la imaan doono, ayaa wuxuu sheegay in uu xoogga saari doono wax ka qabashada ammaanka, isla-markaana uu isbedel ku samayn doono Talisyada Ciidamada.

Kadib Markii Xukuumadii C/Faarax Shirdoon Saacid Ay Rideen Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa 12-kii Bishaan Xasan Sheikh Max’uud {Gur~Guurte} Madaxweynaha Soomaaliya,Waxa Uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaarahan cusub C/wali Sheikh.