Damul jadiid wasiiradii ka tirsanaa oo ku jirey xukuumadii la ridey ayaa la sheegayaa in khal khal soo wajahey kadib markii m/weyne Xasan Sheekh lagu wargeliyey in aan loo baahneyn xubnaha ku jirey xukuumadii hore ee dr Saacid.
Xubnaha damuljadiidka ah ayaa markii horeba la shaqeyn waayey xukuumadii dr Saacid,iyagoo olole u galey ridida xukuumada,waxeyna ku fakarayeen in xafiiska ay keenaan mid ay is afgaranayaan oo guruubkooda ama u dhaw,haseyeeshee hada waxaa lasoo dersey walaac iyo wel wel aan hore u jirin kadib markii ay soo if baxeen warar sheegaya in aaney soo noqoneyn.
Ragan damuljadiidka ah ayaa hore u xirtey m/tooyada dalka,ayna markii ugu horeysey ku hankaageen fekerka ay ka qabeen magacaabista r/wasaaraha soomaaliya isla markaasna m/weynuhu diidey ragii ay u rabeen in r/wasaaraha ay ka dhigaan.
Waa markii ugu horeysey ee xubnaha damuljadiid ay waayaan hamigoodi iyo wixii ay islahaayeen waad faleysaan,waxeyna tani imaneysaa markii m/weyne Xasan Sheekh uu fahmey in la nacey damuljadiid si dunida iyo dadka soomaaliyeed uga hor imaanin dawlada uu m/weynaha ka yahey ayuu damuljadiid fekradahooda ku diidey,isagoo hore u sheegey in uusan koox diineed waligiis kamid noqonin.




