Wakiil ka socda xoghaya guud ee Q.M gabadha lagu magacaabo linda ayaa muqdisho maanta soo gaartey iyadoo la kulantey m/weynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamu’d,waxeyna ka wada hadleen qodobo la xiriira sidii loo soo dhisi lahaa xukuumad tayo leh.
Sidoo kale linda ayaa madaxweynaha u sheegtey in r/wasaaraha uu faraha uga qaado xulida wasiirada uu soo dhisayo,taas ayaa u muuqata in wax laga faa’iidey sheekadii xukuumadii Dr saacid iyadoo wax laga bartey sanadkii uu xilka hayey iyo wixii uu faley m/weyne Xasan Sheekh.
Waa markii ugu horeysey ee la kala garto xilka ay kala hayaan madaxweynaha iyo wasiirka koowaad,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaan la ridey xukuumadii uu horkacayey dr Saacid.




