Wiil rayid ah ayaa askeri ka tirsan ciidanka nabadsugida ku diley degmada shibis ee gobolka banaadir,allaha u naxariistee wiilka la dilley oo lagu magacaabi jirey Axmed Karaama ayaa ahaa dukaanle ka ganacsada shopinka.
Askeriga wiilka diley oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cartan ayaa wiilka weydiistey jaad,wuxuuna u sheegey in uusan lacag heynin wuxuuna ku yiri waan kuusoo noqonayaa ee ii diyaari lacag,wuuna ka tagey,waxoogaa markii uu ka maqnaa ayuu usoo laabtey kuna yiri isii lacagta,wiilka marxuumka ah oo baqanaya ayaa ku yiri askeriga wali waxba iima gadmin.
Askeriga lagu magacaabo C/hi Cartan oo horaba qadyaan uga taagnaayeen dadka ku nool deegaankaas ayaa si kas ah xabad madaxa kaga dhuftey,goobtana isaga baxsadey,waxaana la sheegayaa in uu gacan ku dhiigluhu caawa lagu arkey deg.X/weyne isagoo xor ah.
Arintan ayaa fadeexad ku noqoneysa dawlada federalka soomaaliya,mana aha markii ugu horeysey ee askeri ka tirsan ciidamadu uu toogtey qof rayid ah,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo dawladu hore u shaacisey in la dilayo askerigii dila qof rayid ah ama la arko isagoo boobaya.




