Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey r/wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed.

0
608

Shir uu yeeshey Xisbiga Midnimada Jamhuuriga soomaaliyeed uuna shir gudoominayey kusimaha gud. Xisbiga ahna gud.kuxigeenka X.M.J.S. Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa looga hadley xaalada dalka iyo isbedelka xukuumada.

Waxaana ugu horeyn xubnaha xisbigu soo dhaweeyeen r/wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed magacaabistiisa waxeyna u rajeeyeen guul iyo in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo aan la mid aheyn tii tagtey.

Xubnaha x.m.j.s ayaa ku booriyey r/wasaaraha cusub in uu si deg deg ah xukuumadiisu u hirgeliso nidaamka Axsaabta oo ay hada barlamaanku ku gudajiro,si looga gudbo qabyaalada iyo goboleysiga.

Xubnaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo mudo 15 sano ah ka shaqeynayey dalka waxey balan qaadeen in ay garab istaagaan r/wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo xukuumada uu soo magacaabidoono isla markaana uu xisbigu sheegi doono wixii dhaliil ah ee ay xukuumadu yeelato isla markaana ay dhaliishu tahey mid xukuumada toosineysa oo saliim ah,oo aaney xukuumadu u qaadan dhaliisha lagu toosinayo mid iyada lagu burburinayo,lagana hortago wixii wax u dhimaya xoriyada shaqsiga iyo xuquuqda aadanaha.

Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo ah xisbigii ugu horeeyey ee dalka lagaga dhawaaqo 06-08-1998dii ayaa ah xisbi siyaasi ah oo aan hubeysneyn fekrado iyo isdhexgalka bulshadana qeyb weyn kasoo qaatey 2013kiina doorasho m/weyne u sharaxey gudomiyaha xisbiga C/nur Axmed Darmaan walaw ay isaga baxeen markii danbe ayaa u hamuun qaba in ay dalka soomaaliya mar uun hugaamiyaan iyagoon dhiig daadin.