Banaanbax lagu taageerayo magacaabista r/wasaaraha cusub ayaa ka dhacey degmooyinka gobolka gedo qaar kamid ah,gudomiyaha degmada luuq oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in shacabka gobolkan ay banaanbaxyo iyo taageero aan kala go’ laheyn ay ka socdaan degmooyinka uu gobolkan ka koobanyahey,waxeyna dadku dalbanayaan in barlamaankuna uu si sahlan u ansixiyo r/wasaaraha iyo xukuumada uu soo dhisi doono.
Gudoomiyaha degmada luuq ayaa sidoo kale sheegey in r/wasaaraha maanta jumcadii looga duceeyey masaajidda oo dhan iyadoo alle laga baryey in allaah la garab galo xilka loo magacaabey C/weli Sheekh Axmed oo ah nin gobolkan ku dhashey oo isaga aabihiiba si wanaagsan looga yaqaan gobolkan gedo iyo gobolada ku hareereysan.
Maahan markii ugu horeeysey ee la arko ama la maqlo mudaharaadyo lagu taageerayo ama looga soo horjeedo r/wasaare iyo xukuumadiisa waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo la ridey xukuumad iyadana r/wasaaraha hugaaminayey ay isku beel kasoo jeedaan balse aysan isku gobol aheyn,taas oo muujineysa in m/weyne Xasan Sheekh uu ku qanciyey dadka gobolka gedo oo aad uga careysnaa sida ay u dhacdey maamulki kmg ee juba iyo dagaalki ka dhacey kismaayo.




