R/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed oo markii ugu horeysey ka hadley warbaahinta.

0
549

R/wasaaraha cusub C/wali Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysey la hadley warbaahinta,waxa uuna sheegey in uu dhameystiri doono wixii u harey xukuumadii dr Saacid oo ay ugu horeeyaan amniga,dib u heshiisiinta nidaamka xisbiyada badan iyo in dalka loo diyaariyo doorashooyin xor ah,iwm.

R/wasaaraha cusub C/wali Sheekh Axmed ayaa ah nin heysta dhalashada dalka canada,isla markaasna ku dhashey gobolka Gedo degmada baardheere,waxaana dhaley sheekh axmed baardheere oo ah sheekh aad loo xurmeeyo,waxa uuna r/wasaaruhu balanqaadkiisa ku darey in uu dalalka deriska la ah dalka soomaaliya uu la yeelan doono xiriir aad u wanaagsan.

R/wasare C/weli ayaa sodon cisho gudahood xukuumad soo dhisidoona iyadoo barlamaanka la hor geyn doono xukuumada inkasta oo dad badani ay sheegayaan in m/weyne Xasan Sheekh uusan aheyn nin talada iyo shaqada faraha kala bixi kara oo aamini kara cida uu soo xushey,taas oo mar kasta caqabad ku noqota r/wasare kasta oo lasoo magacaabo,hase yeeshee waxaa la filayaa in r/wasaarahan cusubi uu ka bedelnaan doono kuwii hore dalka usoo marey.