Wufuud uu hugaaminayey wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta C/hi Ciilmooge Xirsi ayaa dalka kusoo laabtey kadib markii ay jigjiga dhulka dawlada soomaalida ay kaga soo qeyb galeen festfal loo sameeyey maalinta qoomiyadaha iyo dhaqamadooda.
Waxaana soomaaliya uga qeyb galey wasiir ciilmooge,wasiirka ganacsiga gudomiyaha gobolka sh/hoose,C/qadir Seydii,gudomiyaha sh/dhexe Cabdi jiinow Calasow,iyo gudoomiyeyaal degmo,odey dhaqameedyo iyo xubno kale oo gaaraya 100,waxeyna dhamaantood dalka kusoo laabteen iyagoo ku faraxsan martiqaadka iyo casumaada ay dawlada deegaanka soomaalidu u fidisey.
Waa markii ugu horeysey oo ay ergooyin intan la egi ka qeyb galeen kulankan sanadkiiba mar lagu qabto deegaanada qoomiyadaha ethiopia,waana markii ugu horeysey ee lagu qabto dawlada deegaanka soomaalida,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo goobta ay isugu yimaadeen madax farabadan oo aduunka ka kala socda.




