Wasiirka arimaha gudaha maamulka kmg ee juba jeneral Maxamed Warsame Darwiis ayaa markii ugu horeysey ka hadley amaanka kismaayo qorshe amni oo loo dejiyey kaas oo uusan waxba ka sheegin.
Jeneral Darwiish oo hore u ahaanjirey taliyaha nabadsugida ayaa hadda Axmed Madoobe u magacaabey wasiirka arimaha gudaha maamulka kmg ee Jubba,wuxuuna sheegey in ciidamo boolis ah oo maamulka u diyaarsan magaalada kismaayo la soo gelin doono,isagoo intaas ku darey in ciidamada Amisom ee kismaayo joogaa ay ka caawin doonaan oo keliya tababaridda ciidamada balse ay iyagu ku filanyihiin sugidda amniga.
Waa markii ugu horeysey ee uu darwìish uu ku hadley magaca wasiirka jubba ee arimaha gudaha waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo labo maalmood ka hor uu hugaamiyaha maamulka kmg ee jubba Shekh Axmed Maxamed Islaam uu ku dhawaaqey sideed xubnood oo ka midnoqonaya wasiirada maamulka jubba land.




