Allaha u naxariistee waxaa gurigii uu ku noolaa g/s Xaashi Xuseen Diirshe ku diley ciidamada dawladda ee b/weyne.

0
497

Mudaharaad looga soo horjeedo ciidamada dawlada iyo kuwa jabuuti ee B/weyne ku sugan ayaa ka dhacey deg. B/weyne ee gobolka hiiraan,kadib markii si arxan darro ah loo diley sarkaal ciidamada xogga hore uga tirsanaan jirey,hadase aan wax hawl ciidan ah heynin iyo labo waardiye u ahaa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jirey Xaashi Xuseen Diirshe ayaa ciidamadu gurigiisa ku dileen isaga iyo labo waardiye u ahaa,dadka b/weyne ayaa usugu soo baxey waddooyinka baledweyne,mana dhicin wax rabshado ah iyadoo dadku ku dhawaaqayeen erayo lidi ku ah ciidamada soomaalida iyo kuwa jabuuti,taas oo markii danbe si iskood ah ay mudaharaadyadu isaga qaboobeen,iyadoo caawa ay magaaladu deganeyd.

Waa markii ugu horeysey ee lagu mudaharaado ciidamada dawlada iyo kuwa jabuuti,iyadoo kusoo beegmeysaa xili dhawaan qarax ismiidaamin ah ay xarakada dagaalyahanada alshabaab ka fuliyeen saldhiga booliska b/weyne kaas oo ay ku nafwaayeen dad ku dhaw 20 qof halka tiro ka badani ay ku dhaawacmeen.

Mudaharaadka iyo isusoo baxa shacabka reer b/weyne waxey fursad u tahey Al-shabaab,waxeyna dhabarjab ku tahey dawlada dhexe iyo jabuuti oo ciidamadeedu joogaan b/weyne.