Hey’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa sheegtey in wali soomaalia musuqmaasuq baahsani ka jiro,iyadoo intaas kusii dartey in digtaatoorayada iyo kaligi talisnimadu ay aad uga jirto dalka soomaalia.
Hey,adaha madaxa banaan ayaa si iskood ah u kontaroosha dalalka aduunka waxeyna mar walba soo saaraan dalalka ugu musuqa badan waxaana ay u muuqataa in tani ay ka nixineysa dawlada uu m/weynaha ka yahey Xasan Sheekh Maxamu’d oo iska dhigta in ay tahey mid musuqu xaaraan ka yahey balse hoos loo sheegayo in musuq la degey madaxda ugu sareysa dalka ayna xilka isaga tuuraan laaluush iyo lacago si sharcidaro ah loo bixiyo.
Warbixintan ayaa waxey kusoo beegmeysaa iyadoo maalin ka hor barlamaanka soomaaliya ay xukuumadi uu hugaaminayey dr saacid,iyadoo xildhibaanada qaarkood ay sheegayaan in la adeegsadey laaluush,mana jiraan cid xaqiijineysa in la qaatey laaluush.




