Qaraxyo is xig xiga ayaa ka dhacey degmada ceelwaaq ee dalka soomaaliya,kuwaasoo galaaftey nafta askar dawlada federalka ka tirsan,halka kuwa kale ay ku dhaawacmeen.
Qaraxyadan ayaa la sheegayaa in ay kala horeeyeen wax yar iyadoo ay ku dhinteen sadex askarta dawlada ah ayna ku dhaawacmeen lix kale oo dhamaantood askarta dawlada ka wada tirsan,waxaana goobta soo gaarey askar gurmad ah kuwaasoo xabado hawada ku furey,iyadoo lagu soo waramayo in xaaladda magaaladu ay caadi kusoo noqotey markii danbe.
Maahan markii ugu horeysey ee ay qaraxyadan oo kale ka dhacaan gudaha dalka soomaaliya,waxaana tabahan lagu yaqaan xarakada dagaalyahanada Alshabaab,haseyeeshee wali ma sheegan qaraxyadan ceelwaaq soomaaliya ka dhacey.




