Boob iyo dhac baahsan ayaa waxaa laga soo sheegayaa inta u dhaxeysa Ceel macaan iyo muqdisho kaas oo ay geysanayaan rag ku lebisan direyska ciidamada iyo kuwo aan wadanin dharka ciidamada lagu yaqaan.
Dad ku safrey wadada xeebta ee muqdisho ka baxda oo u waramey wakaalada wararka warsom ayaa waxey sheegeen in dhibaato ba’an lagu hayo dadka wadadaas ku safra ayna kusoo yaaceen dad maqley in ay fatahaadu xirtey wadadii gobolada dhexe iyo muqdisho isku xireysey.
Waa isbaaro isu muuqata oo bilqan ah dadkana waa la baaranayaa,waxaan kasoo amba baxey xarardheere waxa ay shabaabku noo jareen boono toban dolar ah mar kasta oo aan jeck point aragno waxaan tuseyney warqada xarardheere nalaka soo siiyey ilaa ceel-macaan cid nala hadashey ma jirin,hase yeeshee markii ceel-macaan la soo gaarey waxaan la kulaney in kabadan 30 isbaaro lacag lagu qaadayo ayuu yiri mid kamid ah dadka isticmaaley wadadaas oo diidey in magaciisa la shaaciyo.
Dhibaatada laga soo sheegayo wadada ceelmacaan iyo muqdisho ayaan aheyn mid abid la soo arkey,waxeyna dadka deegaanka oo aan weydiiney waxa waqtigaan kusoo beegey isbaaradan ayaa yiri anagu dawlada ma aynaan arag namana soo gaarin waana taas mida keentey in dhalinyaradii jaadka ka saxaan wadada gaadiidka safarka ahi marayo.




