Iyadoo ay socoto doodii barlamaanku kaga hadlayeen moshinka ka dhanka ah xukuumada uu hugaamiyo Cabdi Faarax Shirdoon ayaa r/wasare Saacid waxa uu barlamaanka ka codsadey in uu ka hor hadlo iskana difaaco eedeymaha loo soo jeediyey xukuumada uu hugaamiyo.
Gudoomiyaha barlamaanka ayaa xubnaha barlamaanka waxa uu u sheegey codsiga r/wasaraha kadibna waxaa bilawdey buuq iyo sawaxan kadibna cod ayaa loo qaadey in r/wasaaruhu barlamaanka hor yimaado oo uu hadlo iyo in loo diido,waxaana si aqlibiyad leh xubnaha barlamaanku isugu raaceen in r/wasaaraha aan loo ogolaan in barlamaanka uu la hadlo,waana loo diidey.
Xubnaha barlamaanka ayaa ku kala aragti duwan diidmada r/wasaaraha loo diidey in uu eedaha iska difaaco,waxeyna qaarkood qabaan in diidmadaasi aysan sharci aheyn ayna xubnaha barlamaanku ka shaleyn doonaan waxa ay maanta sameeyeen,halka kuwo kale ay qabaan in aysan mudnaan laheyn xukuumad ku sifawdey wax qabad la’aan hadalkeeduna aysan waxba soo kordhineyn.
Barlamaanka ayaa la filayaa in berito uu soo gabangabeeyo dooda moshinka xukuumada ka dhanka ah,lamana oga sida ay wax u dhici doonaan iyadoo ay muuqato in arintu cirka isku sii shareereyso.




