Warsaxaafadeed kasoo baxey xafiiska r/wasaaraha soomaaliya Dr Saacid.

0
523

War saxaafadeed kasoo baxey xafiiska ra’iisalwasaraha soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagaga hadley go’aanka barlamaanka uu ku diidey in ra’iisalwasaaruhu iska difaaco eedemaha loo soo jeediyey.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri waan ka xunahey go’aankaas waxaanan wali codsaneynaa in r/wasaaraha loo ogolaado in barlamaanka ka hor hadlo,si xukuumadu usoo bandhigto wax qabadkeeda isla markaana ay eedeymaha loo soo jeediyey ay iska difaacdo.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegey in hadii barlamaanku ku adkeysto sidaas aysan sharci noqoneyn wixii kasoo baxa golaha barlamaanka,waxaana ku saxiixnaa warsaxaafadeedka afhayeenka xafiiska r/wasaaraha Ridwaan Xaaji C/weli.