Ra’iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa kulan la yeeshey dalad ay ku bahoobeen dhawr urur dhalinyaro,kuwaas oo uu sheegey in loo sameyn doono shaqooyin ay ku farxaan ayna xaq ugu leeyihiin xukuumada uu hugaamiyo.
Dr saacid oo la arkayey beryahan kulamo iyo kormeero in uu ku tagayo meelo uusan hore u tagi jirin ayaa waxaa loo arkaa mid uu bulshada isaga gadayo waqtigan muranku u dhaxeeyo isaga iyo madaxweynehiisa shaqada keeney.
R/wasaare saacid ayaa markii ugu horeysey uu soo ifbaxey muranka u dhaxeeya isaga iyo Xasan sheekh Maxamu’d,waxeyna kulamada uu bulshada qeybaheeda uu la yeelanayo ay kusoo beegmayaan xili dood moshin ka dhan ah xukuumadiisa uu ka socdo barlamaanka dawlada federalka soomaaliya,lamana oga sida ay wax ku dhamaan doonaan.




