Deeq ururin ka bilaabatey gobolka banaadir ayaa waxaa degmada madiina hottel ku yaal lagu ururiyey hanti lacageed oo ku dhaw 20.000(labaatan kun oo dolar,gudomiyaha degmada Madina Axmed Xasan Caddaw Axmed Daaci ayaa keligii bixiyey 10.000(toban kun) oo dolar.
Gudomiyaha gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa kulan uu dhawaan la yeeshey waxa uu ka codsadey gudoomiyeyaasha gobolkan banaadir in ay si soomaalinimo ah ugu gurmadaan dadka ay saameeyeen duufaanka iyo fatahaada wabiga shabeelle,waxeyna maamulka iyo ganacsatada dadka reer madina ka jawaabayeen codsiga gudoomiyaha gobolka banaadir tarsan.
Waxaa ka bilaabmaya dhamaan degmooyinka gobolka banaadir oo 17ka degmo ka kooban,waxeyna kusoo beegmeysaa xili gobolada puntland iyo gobolka sh/dhexe ay ka jiraan masiibooyin dabiici ah alaha naga koriyee.




