Dagaal qaraar ayaa maanta ka dhacey No50 halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada xooga ee dawlada federalka soomaaliya iyo maleyshiya beeleed halkaa hore ugu sugnaa.
Dagaalkan oo ah mid soo noq noqdey ayaa wuxuu isu bedelaa mid beelo u dhaxeeya waxaana kal dhaweyd laga heshiiyey dagaal sidan oo kale markii hore ku bilawdey,waxaana la soo sheegayaa in maanta aaney N050 wax dhimasho ah ka dhicin dhaawac mooyee,mar aan la xiriirney mid kamid ah ciidamada halkaa ku sugan ayaa ka gaabsadey in uu noo sheego khasaaraha halkaa ka dhacey.
Waa markii labaad ee sidan oo kale No50 uu dagaal ugu bilawdo,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo khilaaf xongani u dhexeeyo madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha soomaaliya dr Saacid.




