Prof. Jawaari oo u digey xubnaha barlamaanka soomaaliya.

0
544

Gudoomiyaha barlaamka prof.Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka hadley khilaafka m/weynaha iyo r/wazaraha isagoo u digey xubnaha barlamaanku in ay ka hadlaan arimaha siyaasiga ah ee u dhaxeeya madaxda sare ee dalka.

Prof. Jawaari ayaa sheegey in aysan habooneyn in xildhibaanada oo iyagu ah garsoorka kala bixinaya madaxda is heysta in aysan habooneyn in ay aragtidooda mediayaha kusoo bandhigaan,isagoo shacabka soomaaliyeedna ugu laab qaboojiyey in ay isdejiyaan barlamaankoodana ku kalsoonaadaan,isagoo sidoo kale yiri barlamaanku hawshan iyagaa ku filan waxaanse rajeyneynaa in wadahadalada socda lagu dhameyn doono maadaama aynu nahey odayaal wax garanaya oo dalka hugaaminaya.

Waa markii ugu horeysey ee gudomiyaha barlamaanku ka hadlo khilaafka ka dhexjira madaxda sare ee dalka,waxeyna tani kusoo beegmeysaa xili lagu wado maalinka beri ah in ay dalka soo gaaraan xubno ka socda beesha caalamka kuwaas oo u socda in ay khilaafka soo afjaraan kadib marka ay madaxda ku kala qanciyaan fariimo ay sidaan.