Kulan ay yeesheen m/weynaha iyo r/wasaaraha oo natiijo la’aan ku dhamaadey.

0
503

Kulamo kala gooni gooni ah ayey maanta ku kala qaateen m/weynaha iyo r/wasaaraha iyagoo la kulmaya xildhibaanada dawlada si mid walba uu uga dhaadhiciyo in uu codkiisa uu ka helo.

Waxaana la sheegayaa in labada masuul ay markii hore kulmeen kadibna uu kulankoodu ku dhamaadey natiijo la’aan kadibna ay galeen xod xodashada xubnaha barlamaanka waxeyna u muuqataa in khilaafku uu barlamaanka u socdo.

Waa isku deygii koowaad ee labada masuul ay ku xalinayaan khilaafkooda,hase yeeshee aysan ku guuleysan,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo xubnaha xildhibaanadu ay ole ole ugu jiraan kala taageeraan m/weynaha iyo r/wasaaraha.