Hawlgalo ay sameeyeen ciidamada amniga oo lagu soo qab qabtey dad looga shakiyey al-shabaab.

0
467

Ciidamada nabadsugidda qaranka iyo kuwa booliska ayaa hawlgallo ay kasameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka banaadir waxey kusoo qab qabteen dhalinyaro looga shakiyey in ay xiriir la leeyihiin Alshabaabka alqaacidada geeska afrika.

Ciidamada amniga ayaa waxey isugu keeneen dhalinyaro dhawr boqol ah barxada kasoo horjeeda ex-fiyoore iyadoo la keeney barxadda dhalinyarada oo indhaha ka xiran,kadibna hal hal loo istaajinayey ugu danbeyntiina waxaa lala harey koox yar oo shakigu ku harey lala harey loona wadey saldhigyada booliska wax lagu baaro.

Maahan markii ugu horeysey ee sidan oo kale loo soo qab qabto dhaliyaro aan waxba galabsan,iyadoo qaarkood ay xabsi u jiifaan sidan oo kale ah,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo amniga si weyn loo adkeeyey maadaama shirka dib u heshiinta jubooyinka uu ka furmayo muqdisho,ayna soo dhameystirmeen ergooyinka shirka ka qeyb galaya.