Dawladda kenya ayaa sheegtey in ay ogaatey xero ku taal gudaha dalka soomaaliya taas oo lagu tababaro dadka xag jirka ah,iyadoo sidoo kale sheegtey in raggii ka danbeeyey weerarkii west gate mall ay xeradaas tababar ku soo qaateen.
Dawlada kenya ayaa xeradaas oo 20km kaliya gudaha soomaaliya ah ay diyaaradaheedu duqeyn u geysteen ayna dileen askar badan oo tababar ku qaadaneysey,lama oga sheegashadan mana jirto cid ka muujisey cabasho,waxeysan kaloo sheegin kenya meesha ay duqeeyeen magaceeda dhabta ah.
Dawlada kenya ayaa tan iyo markii ay gudaha usoo gashey soomaaliya waxey sameyneysey borobogaando kasta oo xalaaleyn karta soo gelitaankeeda ciidda soomaaliya,waxeyna duqeyntani kusoo beegmeysaa iyadoo m/weyne Xasan sheekh uu booqasho ku joogo xarunta j/land ee kismaayo.




