Xarakada dagaalyahanada Al-shabaab ayaa sheegtey in ay weerareen wafdigii uu hugaaminayey m/weyne Xasan Sheekh ee kismaayo ka degey.
Afhayeenka hawlgalada Al-shabaab abu muscab oo la hadlayey warbaahinta afka shabaab ku hadasha ayaa sheegey in ay ogaayeen aaditaanka uu Xasan Sheekh aadey kismaayo isla markaana ay ku weerareen airporka kismaayo isagoo sheegey in ay ka dileen askar gaadiidna ka gubeen waa sida uu isagu yiriye.
Majirto cid u hadashey dhanka dawlada federalka iyo xafiiska m/weynahaba,isla markaa cadeyneysa sheegashada ay Al-shabaab ku sheegteen weerarkan,mana aha sheegashadii ugu horeysey ee ay Al-shabaab sheegtaan in ay weerareen madax dawlada ka tirsan.




