Madaxweynaha soomaaliya Prof. Xasan Shekh Maxamuud ayaa dalka ka dhoofey isagoo kusii jeeda dalka Turkiga,wuxuuna m/weynuhu casumaad ka heley madaxda ugu sareysa dalka turkiga.
Turkiga ayaa ah dawlad ay aad isugu dhawyihiin madaxda dalka soomaaliya,waayo turkigu waa dawlada keliya ee soomaalida u muujisey in ay yihiin dad wax lala qaban karo oo iyagu dalka iska leh,waxeyna shirkadahoodu ka qabtaan dalka soomaaliya hawlo farabadan.
Booqashada m/weynuhu ku aadey dalka turkiga ayaa kusoo beegmeysa xilli la sugayo dhawaan in lagu dhawaaqo wasiiro ka badan kuwii hore u shaqeyn jirey,waxaana laga yaabaa in booqashadu ay xiriir la leedahey wada tashi kusaabsan golaha xukuumada dhawaan soo socda.




