Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo faahfaahin ka bixiyey duqeyn jilib ka dhacey.

0
519

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed ayaa faahfaahin ka bixiyey duqeyn ka dhacdey deg.jilib ee gobolka J/dhexe.

Wasiirka ayaa sheegey in ay ka warhayeen duqeyntaas lana beegsanayey dhagar qabayaal shabaabka qaraxyada u sameyn jirey waa sida uu hadalka u yiriye.

Waa markii ugu horeysey ee ay wasaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranku ka hadasho duqeymo isdaba jooga oo dalka gudihiisa ka dhaceyey,lamana oga waxa xiligan kusoo beegey in wasiirku ka hadlo arimo uusan hore uga hadli jirin.