Duqeyn ay sameeyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ka dhacdey magaalada jilib ee gobolka J/dhexe.

0
508

Duqeyntan oo ka dhacdey magaalada jilib ee gobolka J/dhexe ayaa waxaa sameeyey diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan drouns.

Duqeynta ayaa waxaa ku dhintey sida ay sheegayaan warar aan ka heleyno degmada jilib labo sarkaal oo kamid ah dagaalyahanada xarakada al-shabaab,kuwaas oo ahaa bar tilmaameedka duqeynta,waxeyna ay la heleen gantaal baabuur ay wada saarnaayeen labada sarkaal ee shabaabka ka tirsanaa.

Ma jirto cid si toos ah u sheegatey duqeynta mana aha tii ugu horeysey ee ka dhacda gudaha dalka ee waa kuwo mar kasta ka dhaca inta badan meelaha ay maamulaan xarakada dagaalyahanada Al-shabaab,waxeyna qeyb ka yihiin dagaalada lagu wiiqayo awooda al-alshabaab sida ay sheegaan huwanta dagaalka kula jirta xarakada Al-shabaab.