Fadeexadii sabtaw iyo sheekadii xabsiga dhexe. Q’3aad.

0
480

Q3’aad ee sheekadii
Fadeexadii sabtaw iyo sheekadii xabsiga dhexe.

Waxey noo joogtey sheekadu iyadoo lacagtii lagu heshiiyey dagaalyahanada alshabaabna laga sugayo habka lagu bixinayo maxbuuska dilka ku xukuman,waxeyna sheekadu ku bilaabatey iyadoo sabtaw loo yimid loona sheegey sida hawshu u dhaceyso.

Xiriiriye. Waxaa beri kuu imaanaya gabar sidata ilmo yar,iyo ninkeeda oo salaan ugu imaandoonta ninki aan ka wada hadalney iyaga ayaa maxbuuska u sheegi doona habka iyo qaabka barnaamijku u socondoono insha allah.
Sabtaw. Waa yahey ee hawsha naga dadejiya ayuu ugu jawaabey.
Waxaa la gaarey galabtii la balamey,waxaana albaabka xabsiga dhexe soo garaacey qof wata jalbaab ilmo yarna wata,wuxuuna askerigii albaabka furayey u sheegey taliye sabtaw waxaana lagu amrey in uu soo daayo lana tuso ninka dilka ku xukuman,waa lasoo geliyey qofkii u muuqdey in uu yahey gabadhi lagu wargeliyey sabtaw balse aan aheyn qof dumar ah ee ah nin iska dhigaya naag sidata ilmo ay dhashey,albaabka markuu soo dhaafayeyna wuxuu ku yiri askeriga albaabka ka furey nin ayaa ila socda mana jiro nin la socda ee waa ninki naagta isu ekeysiinayey oo ilmo yar wata waxaana usoo galey ninki dilka ku xukunaa wuxuuna ku wareejiyey jalbaabki uu gashanaa ninki naagta isu ekeysiinayey halkaas ayaa maxbuuski looga dhigey naagti ilmaha wadatey markii ilmihii iyo dharkii uu ku wareegey waaba gabadhi hada albaabka laga furey,ninkii hore isaga dhigayey gabadha booqashada u socotana waaba ninkii naagtan ilmaha sidata la socdey,kadibna waxey usoo dhaqaaqeen dhinaci albaabki ay ka bixi lahaayeen askeri ayaa ku yiri aawey maxbuuski waxeyna ugu jawaabeen haa aboowe waa la xareeyey ee anaga ayaa sheeko ku daahney,iyagoo kaftamaya ayey labadooduba albaabka si sahlan uga talaabsadeen waxeyna galeen gaari yiil iridda xabsiga,hase yeeshee waxaa isla markiiba soo gaarey sabtaw khabar sheegaya in la la’yahey hal maxbuus oo dil ku xukuman,muxuu ku jawaabey taliye sabtaw? oo laftiisa lagu khiyaaneeyey sheekadi uu wax ka wadey.
Lasoco todobaadka soo socda insha’ allaah.