Jabhadda raskamboodi iyo maamulka Axmed Madoobe oo jebiyey heshiiski adisababa.

0
436

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtey kismaayo hugaamiyaha maamulka kmg ee juba Axmed Maxamed Islam ayuu ku sheegey in aaney ka qeyb geleyn shir muqdisho la sheegey in uu ka dhacayo 21ka bishan occtober kaas oo xukuumadu sheegtey in uu kamid yahey heshiiski dhawaan lagu kala saxiixdey adisababa dalka ethiopia.

Hadalkan kasoo yeerey Axmed Madoobe ayaa dad badani horeba u filayeen,waxaana hadda muuqata in khiyaano qaran meesha ku jirto,oo sheekadu aheyd qawda maqashii waxna haw qaban.

Heshiiskii ay kala saxiixdeen maamulka Axmed madoobe iyo dawlada federalka ah ayaa dhaqangalkiisa waxaa qaatey dawladi martida loo ahaa ee ethiopia,mana muuqato wax ay ka yiraahdeen jebinta ay jebiyeen jabhadda raskamboodi qodob kamid ah qodobadii lagu heshiiyey.

Maahan markii ugu horeysey oo ay jabhadda raskambodi diido war kasoo baxey xukuumada uu hugaamiyo Dr Saacid hase ahaatee wuxuu warkani imanayaa iyadoo xukuumadu hore ugu dhawaaqdey in shirkani furmi doono shanta bishan october hadana ay yiraahdeen waa 21ka bisha october taas oo gebi ahaanba meesha ka baxdey markii ay gabi ahaanba qaadaceen shirka muqdisho jabhadda raskamboodi iyo maamulki ay dhistey.