Taliyihii hore ee xabsiga dhexe Sabtaw oo xilkii laga qaadey,kadib fadeexad xabsiga ka dhacdey.

0
452

Taliyihii xabsiga dhexe G/s Sabtaw ayaa si rasmi ah xilka looga qaadey,iyadoo xabsiga dhexe ee muqdisho loona magacaabey taliye cusub oo xabsigaasi maamula.

Bedelaadda la bedeley talihii hore ee xabsiga dhexe ayaa waxey timid kadib markii ay soo shaacbaxdey sheekadii la magacbaxdey fedeexadii sabtaw iyo sheekadii xabsiga dhexe,taas oo salka ku heysa nin dil ku xukuman oo la iibsadey lana sii daayey,taliye sabtaw ayaa dhawaan la xirey kadibna la sii daayey iyadoo la xirey kuwo askarta xabsiga dhexe ka tirsanaa taas oo markii la arkey isagoo xabsiga dhexe sii maamulaya ay dad badani cabasho muujiyeen iyagoo tilmaamaya in aysan habooneyn in sabtaw xilka xabsiga dhexe sii hayo,dawlada oo cabashadaas ka jawaabeysa ayaa waxaa taliyaha xabsiga dhexe loo magacaabey G/S Maxamed Xirsi.

Xil wareejinta ayaa waxey ka dhacdey xabsiga dhexe ee muqdisho,iyadoo ay goobjoog ka yihiin saraakiil sar sare ee ciidanka asluubta,iyo madax ka tirsan wasaarada caddaalada