Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo barlamaanku su’aalo weydiiyey.

0
508

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed ayaa maanta hortagey mar kale barlamaanka soomaaliya si wax looga weydiiyo ammaanka iyo hawlaha wasaaradiisu ku shaqada leedahey.

Wasiirka ayaa ugu horeyn ka warbixiyey shaqada wasaarada arrimaha gudaha iyo amnigu ay waddo kadibna waxaa su’aalo weydiiyey qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka soomaaliya isagoo hal hal uga jawaabey.

Waa markii labaad oo uu wasiirku hor tago barlamaanka,hase yeeshee waxaa hadda barlamaanka ka jira guux la xiriira in xubnaha barlamaanka qaar kamid ahi ay diidanyihiin qaar xukuumada kamid ah oo ay m/weynaha aad isugu dhawyihiin sida C/kariim iyo Faarax C/qaadir oo hada labadoodu ku kala aragti duwanaadeen heshiiski lala galey maamulka KMG ee juba dabna aysan hadda kala qaadan labadoodu waa c/kariim iyo faaraxe.