Dowlada Kenya Oo Sheegtay Inay Soo Qab Qabteen Dad Ay La Xiriirinayaan Weerarkii Xarunta Westgate Mall,Nairobi.

0
653

Ku Dhawaad 10 ruux, ayaa loo soo qab qabtay weerarka qorsheysan, Oo Maalnkii Sabtida lagu galay Suuqii ganacsiga Westgate, Magaalada Nairobi Ee Xarunta dalka Kenya Waxayna Ciidamada Dowladda Kenya dadkaani siyaabooyin kala gedisan uga soo kala qab qabteen Magaalooyinka Nairobi, Mombasa.

Ciidamada Dowladda Kenya, ayaa waxay dadkaan siyaabooyin kala gedisan ay uga soo kala qab qabteen Magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo weliba wadada xiririisa Magaalooyinkaasi

Dowlada Kenya Saraakiisheeda Booliska, ayaa waxay xaqiijiyeen in dadkaasi ay wax ka weydiinayaan, weerarka lagu hakiyay ganacsigii ka jiray Dhismaha Westgate Wexeyna Sidoo Kale Saraakiisha Kenya, ay sheegay inay xog ka hayaan Xoogaga hubeysan, ee weli ku sugan dabaqa afaraad ee rugta ganacsiga Westgate Mall.

Sidoo Kale Dowlada Kenya waxay sheegtay inay jartay isgaarsiintii teleefanada iyo Internet-ka, si aynaan cidina ula xiriirin ragga Dhismaha ku sugan iyo si aan iyana loola soo xiriirin.