Ra’iisul Wazaare Saacid Iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Maanta U Duulay Magaalada Geneva Ee Dalka Swizerland

0
494

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Mudane Shirdoon Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xubnaha safarkiisa ku wehliya waxaa ka mid ah Marwada Ra’iisul Wasaaraha Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi, Wasiirka Garsoorka Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur, afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji, iyo howlwadeeno kale.

Wafdiga Ra’iisul Wazaaraha Ayaa ugu horeytii ay gaari doonaan magaalada Geneva, halkaasoo uu kaga qeybgali doono shir looga hadlayo arrimaha horumarinta xaquuqul insaanka dalka Soomaaliya Iyadoona Sidoo kale, shirka Ay ka qeybgali doonto Wasiirka Horumarinta adeega Bulshada Drs. Maryann Qaasim Axmad iyo safiirka dalka Geneva u fadhiya dawladda Soomaaliya Mudane Amb. Yuusuf Ismaaciil (Bari-bari).