Mid Ka Mid Ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maantey Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0
515

Xildhibaan Xuseen C/salaan Maxamed “Xuseen Dheere” oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa casir liqii galabta lagu dilay Magaalada Muqdisho Waxaana Xildhibaanka lagu dilay agagaaraha Garoonka Aadan Cadde, mar uu ka soo baxay Jaamacada Muqdisho.

Dilka Xildhibaanka oo ay geysteen rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay halkaasi uga taggeen meyd ahaan, balse dhaawac daran oo soo gaaray oo lagula cararay Isbitaalka Madiina, ayuu ugu geeriyooday marxuumka Iyadoona
Xildhibaanka uu kamid ahaa ardayda Jaamacada Muqdisho.

Goob Jooge Ku Sugnaa Agagaarka Lagu Dilay Xildhibaanka Ayaa Warsom U Xaqiijiyey in gaari uu la socday Xildhibaanka, lagu horgooyay gaari nooca raaxada, deetana ay ka soo degteen laba nin, ayna toogteen Waxaana Dilka Ka Dib Soo Gaaray Goobta Ciidanka Dowladda Iyadoona Aysan jirin cid ay u soo qab qabteen dilka Xildhibaan Xuseen C/salaan Maxamed.