Madaxweynaha soomaaliya xasan sheekh oo gaarey mareykanka magaalada washiton.

0
520

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliya prof. Xasan sheekh maxamuud ayaa gaarey dalka mareykanka magaalada washiton Dc isagoo ka qeyb galaya kulan ay leeyihiin dawladaha Qaramada midoobey.

M/weyne Xasan Sheekh ayaa isla maanta waxa uu la kulmey xoghayaha arrimaha debedda dalka mareykanka john kerry isagoo dalka mareykanku balanqaadey in dalka soomaaliya uu ka caawin doona dhinacyo badan sida dhaqaalaha,nabadgelyada,iyo taakuleynta ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulankan ka qeybgelayaa isagoo midawga yurub kasoo heley kaalmo afka ah oo balaayiin ah,rajadiisa ayaa u muuqata mid kor u siisocota mudo hal sano ah kadib,waxaanse cidina war u heyn waxa ka jira gudaha hey’adaha qaranka oo khilaaf ka dhexmuuqdo,waxaana la saadaalinayaa marka uu dalka kusoo noqdo in xukuumada is bedel ku yimaado,walaw cabasho m/weynaha ka dhan ah laga sheegayo taas oo la xiriirta la kulanka m/weynaha prof. Xasan shekh maxamuud.