Dawladda ethiopia oo diyaaradaheeda ka mamnuucdey maamulka S/land.

0
526

Dawladda ethiopia ayaa ka mamnuucdey diyaaradaheeda magaalooyinka ay maamulaan xukuumada somali land,iyadoon la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa go’aanka ay qaadatey ethiopia.

Hore ayaa waxaa hawada somaliland looga celiyey ethiopian air markii ay s/land ka xanaaqdey hawada soomaaliya oo lagu wareejiyey dawlada dhexe ee soomaaliya,iyadoo markii danbe laga wada hadley heshiisna laga gaarey.

S/land ayaa adduunka ictiraaf ka weydey mudo ka badan labaatan sano,ethiopia waxey aheyd saaxiib u dhaw s/land,iyadoo aheyd dawladii ugu horeysey ee afrikaan ah ee sheegtey in ay s/land ka furaneyso safaarad in badana u muujin jirtey s/land in ay tahey dal madax banaan,waxaana arrintan aad uga caroodey dad badan oo s/lander ah,waxaana ka hadley wasiirka u qaabilsan s/land duulista hawada iyo hawlaha guud maxamuud xaashi cabdi isagoo qeexey in wax aad looga xumaado go’aanka ay qaadatey dawlada ethiopia,waxeyna tani imaneysaa iyadoo dhawaan dalka ethiopia lagu heshiisiiyey dawlada federalka iyo maamulka kmg ee uu hugaamiyo Axmed Madoobe.